Allbanaadir.com
NEWS

Cali Guudlaawe oo dhiirigeliyey ciidan ku sugan jiidaha dagaalka

Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo hoggaaminayo Hirshabeelle iyo howlgalka dabar-goynta Al Shabaab ayaa weli ku sugan furimaha dagaalka waxaana uu maanta kormeeray aagagga Qurac-madoobe, Warciise iyo Aqab-duco.

Saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo hoggaanka ciidamada deegaanka ayaa la wadaagay Madaxweynaha howlgaladii ugu dambeeyay ee lagu bartilmaameedsaday Al Shabaab

“Hirshabeelle, ma ahan gabaad argagixiso waa sababta aan dhammaanteen dagaalka ugu jirno halkan waa rejada shacabka Soomaaliyeed ee ah inaan ka adkaano Khawaarijta.” ayuu yiri Cali guudlaewe

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa ku tilmaamay khaarijinta horjoogayaal badan oo uu ka mid yahay Yuusuf Dhagnaas guul u soo hoyatay howlgalka dabar-goynta Al Shabaab

Cali Guudlaawe ayaa la dardaaramay ciidamada difaaca kaga jira aagagaas iney cadowga wajahaan adkeysi badana u yeeshaan xaaladaha dagaalka wuxuuna xusay in guusha ay dhinacooda ku dambeyn doonto.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Madaxweyne Biixi oo dhagax dhigay waddada isku xidha Burco iyo Berbera (Sawirro)

Cabdi Cade

Suuqa Waaheen oo si casri ah loo dhisay iyo Muuse Biixi oo xariga ka jaray (Sawirro)

Cabdi Cade

Human Rights Watch oo Israa’iil ku eedeeysay iney hub ahaan u adeegsatay gaajo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---