Allbanaadir.com
NEWS

Deni oo ka ka hadlay wajiga 3aad ee howlgalka ciribtirka Daacish

Madaxweynaha Dowladda Puntland Said Abdullahi Deni ayaa maanta kulan la qaatay Nabadoonnada iyo Cuqaasha Gobolka Bari.

Kulanka oo ka dhacay qeybta shirarka ee xarunta Gobolka Bari waxaa looga hadlay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland oo ka socda buuralayda Cal-miskaad Kaasi oo galay wejigii 3-aad.

Madaxweynaha ayaa ku boggaadiyey bulshada Gobolka Bari iyo guud ahaan Puntland Garab Istaaga ay u muujiyeen Ciidanka, wuxuuna ugu baaqay in laga wada shaqeeyo sidii dadkii Daacish soo barakacisay ay dib ugu laaban lahaayeen deeganadoodii ay Ciidanku sifeeyeen ee ku yaalla Buuralayda Calmiskaad.

Deni ayaa maanta odayaasha gobolka Bari kala hadlay sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha amniga iyo abaabulka wajiga sadexaad ee dagaalanka ay Puntland kula jirto Daacish isagaa oo balan qaaday in aan wax denbi ah loo haysan dadkii uu horay cafiska ugu fidiyey, balse wuxuu dhinaca kale sheegay inuu talaabo ka qaadido doono cidii isku dayda in ay hawgalkaan wiiqdo.

Waxgaradka gobolka Bari ayaa soo dhoweeyey dedaalka uu Maamulka Puntland ugu jiro sifeynta kooxda Daacish, iyagoo balan-qaaday iney sii xoojin doonaan taageerada ay la garab taagan yihiin ciidanka.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, Goleyaasha Dowladda, Maamulka Gobolka, kan degmada Boosaaso, Saraakiisha Amniga, Cuqaasha, Nabadoonada iyo waxgaradka Gobolka Bari.

Related posts

Abuu Mansuur oo la kulmay Wasiir Khadiija Diiriye iyo Waxyaabihii ay kawada hadleen (Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Khayre oo Guddoomiyay Shirka geeddi socodka dayn cafinta Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Golaha Wakiiladda Puntland oo ansixiyay Xubno katirsan Guddiga Doorashooyinka PEC

Cabdi Cade
Taboola Ads ---