Hay’adda isgaarsiinta Qaranka ayaa war ay soo saartay ku faahfaahisay hoos u dhac laga dareemay maalmihii ugu dambeeyay xawaaraha adeegsiga intenernet ka Soomaaliya, Hay’adda waxay xustay in Xarigga Internet-ka Fiber-ka badda hoosteeda mara ee Pakistan iyo Bariga Afrika ee Xiriiriya Yurub (PEACE Cable) uu ka go’ay Badda Cas.
Bayaanka ay soo saartay Hay’adda waxay shaaca uga qaaday in Dhacdadan lama filaanka ah ay saameyn ku yeelatay adeegyada internetka ee Dalkeena iyo kuwa kale oo dhaca Bariga Afrika, taasoo sababtay hoos u dhac xagga xawaaraha iyo tayada adeegyada qulqulka (streaming).
HOOS KA AKHRISO QORAALKA HEYADDA OO DHAMEYSTIRAN
Xarigga Internet-ka Fiber-ka badda hoosteeda mara ee Pakistan iyo Bariga Afrika ee Xiriiriya Yurub (PEACE Cable) ayaa ka go’ay Badda Cas. Dhacdadan lama filaanka ah waxa ay saameyn ku yeelatay adeegyada internetka ee Dalkeena iyo kuwa kale oo dhaca Bariga Afrika, taas oo sababtay hoos u dhac xagga xawaaraha iyo tayada adeegyada qulqulka (streaming).
Si looga falceliyo arrintan islamarkaana loo xaqiijiyo in adeegyada internetka ay sii socdaan, shirkadaha bixiya adeegyada isgaarsiinta dalkeena ee uu sameeyay ciladan ayaa waxay si degdeg ah ugu wareegeen Khaddad kale oo kayd ah waxaana hadda sidiisii hore ku soo noqday Khadka Internetka dalka.
Dib-u-habaynta iyo dayactirka Xarigga Fiber-ka PEACE waxaa la filayaa in ay gaari karto ilaa bartamaha Abriil 2025. Inta lagu jiro muddadan, Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka waxay si dhow ula shaqeyn doontaa shirkadaha bixiya adeegyada internetka si loo kormeero tayada adeegyada loona xalliyo wixii caqabado ah ee dhici kara.