Allbanaadir.com
NEWS

Xamaas & Mareykanka oo wadahadalkii u horeeyey yeeshay

Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa ku warrantay wada-hadalkii u horreeyay oo u dhaxeeya Mareykanka iyo ururka Xamaas inuu ka dhacay magaalada Dooxa ee xarunta dalka Qatar, iyadoo wada-hadallada dhinaca Mareykanka uu ku matalayay Adam Boehler oo ah ergeyga Madaxweyne Trump ee maxaabiista.

Toddobaadkii hore , Aqalka Cad ayaa sheegay in Maraykanku uu wadahadalo toos ah la yeelanayo Xamaas si loo sii amba qaado xabbad joojinta Qasa.

Maraykanku waxa uu diiday inuu xiriir toos ah la sameeyo Xamaas tan iyo markii uu ku tilmaamay urur “argagixiso” sannadkii 1997-kii, balse hadda wuxuu kala hadlayaa sidii loo sii deyn lahaa maxaabiista heysta jinsiyada Mareykanka ee Xamaas ay gacanta ku heyso.

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Mareykanka u qaabilsan bariga dhexe, Steve Witkoff ayaa u sheegay wariyeyaasha Aqalka Cad usbuucii hore in helitaanka Edan Alexander, oo 21 jir ah – oo la rumeysan yahay inuu yahay maxaabiistii ugu dambeysay ee Mareykan ah oo nool, luguna hayo Qasa – ay tahay “mudnaanta ugu sarreysa ee dhinacooda”. Alexander waxa uu ahaa askari ka tirsan ciidamada Israa’iil.

Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas, Taher al-Nono ayaa dhankiisa xaqiijiyay wada-hadallada ay la yeesheen Mareykanka , isagoo sheegay inay si togan oo dabacsanaan ah qaab u adeegaya danaha shacabka Falastiin inay ula macaamileen wafdiga Mareykanka, wuxuuna caddeeyay waxay u sheegeen inay ahayd inaysan ka soo horjeedin hab wada-xaajood ah in maxbuus lagu sii daayo, balse ma uusan bixin faahfaahinta arrimaha ay isla meel dhigeen iyo natiijada kulanka.

Related posts

(Akhriso) Xafiisa hanti-dhowrka Guud oo soo saaray habraaca Xil-wareejinta heyadaha DF

Caydiid Ali

Meydka Wiil Soomaali Mareykan ah oo laga dhax helay Wabiga Mississippi

Cabdi Cade

Al Shabaab oo Shaacisay Sababtii Sheekh Muqtaar Roobow dhankooda uga soo goostay

admin
Taboola Ads ---