Kuuriyada Waqooyi ayaa shalay daaha ka rogtay wax la rumaysan yahay inuu yahay markabkoodii ugu horreeyay ee tamarta nukliyeerka ah ee istaraatiijiyadeed ee ku socda badda hoosteeda oo leh nidaamyo lagu hago gantaallada.
Markabkan cusub ,ayaa la sheegay in uu awood u yeelan karo in si sax ah u garaaco bartilmaameedyada, iyadoo goobta aan la aqoonsan ee maraakiibtan lagu dhisayo uu tagay hoggaamiyaha mayalka adag ee Kuuriya Waqooyi, Kim Jong Un.
Moon Keun-sik, oo ah khabiir ku takhasusay dhinaca badda oo u dhashay Kuuriyada Koonfureed, ayaa sheegay in markabkan uu u muuqday mid 6,000-tan ah ama 7,000 oo tan qaadi kara , kaas oo xambaari kara illaa 10 gantaal, wuxuuna qaadi karaa gantaallada ballistic-ga ee xambaara nukliyeerka.
In kasta oo Kuuriyada Woqooyi ay haysato raxan maraakiib gabow ah oo qiyaastii 70 markab oo naafto ku shaqeeya gaaraya, ayaa waxa qof walba layaabka ku noqonaya ay tahay sida waddan aad loo cunaqabateeyey uu ku heli karo tamarta nukliyeerka, inkasta oo la rumeysan yahay in ay u badan tahay in taageerro dibadda ah ay heleen Kuuriya Waqooyi oo ka imaan karta Ruushka oo ay ku jiraan heshiiska iskaashi difaac ah.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com