Ciidamada booliiska dalka Hindiya, ayaa xabsiga dhigay labo nin oo lagu tuhmayo in ay dileen nin u dhashay dalkaasi , sidoo kale kufsi u geesteen labo haween ah oo u dhashay Israa’iil, kuwaa oo dalxiis u tagay qeybo kamid ah dalka Hindiya.
Haweenkan dalxiisayaasha ah iyo nin la socday ayaa ku sugnaa harada magaalada Hampi, Karnataka ee dalka Hindiya , markii ay soo weerareen rag hubeysan, kuwaa oo ninka dil u geestay halka labada haween kufsi u geestay.
Weerarkan ay geesteen ragga hubeysan ayaa sidoo kale la sheegay in ay ka badbaadeen labo nin oo mid kamid ah Mareykanka u dhashay, waxaana la helay meydka ninka Hnidiga ah ay dileen ragga hubeysan oon wali heybtooda la shaavin.
Saraakiiha booliiska HIndiya, ayaa xaqiijiyay in dhacdadan loo soo qabtay labo nin oo la tuhmayo, waxa ayna booliiska xuseen in baaritaanno ku wadaan raggan lasoo qabtay, waxa ayna sheegeen in baaritaanka kaddib la faahfaahin doono sida ay wax u dhaceen.
Dalka Hindiya, dadka dalxiiska u taga mararka qaar la kulma weeraro uga yimaada kooxo burcad ah , kuwaa oo mararka qaar haweenka kufsi u geesta, waxa ayna booliiska Hindiya mar kasta ku dedaalaan sidii u ilaalin lahaayeen amniga goobaha dalxiiska oo dhaqaallo badan kasoo galo dalkaasi.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com