Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale ku celiyey in la joogo xilligii uu dalku ka gudbi lahaa hanaankii doorashooyinka dadban ee sanadihii ugu dambeeyey lagu soo dooran jirey xubnaha labada aqal ee barlamaanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay in Soomaaliya ay tahay dal qani ah adduunkana kaga yaalla goob istaraatiiji ah aysanna suurto gal ahayn in 25 sano kadib lagu sii socdo dhabbihii hore, oo uu kutilmaamay mid uusan adduunku aqoonsanayn natiijada ka soo baxda sida uu hadalka u dhigay.
“Umadaha adduunka ayaan ka mid nahay, dalkeenu wuxuu ku yaalla meel adduunka aad muhiim uga ah, khayraad badan ayaan leenahay, caalamku dowlad ku dhalatay doorasho dadban ma yaqaano, 25 sanana doorasho dadban aan joognaa, masii joogi karno caalamkuna nama aqbalayo. ma naqaan waxay yihiin iyo waxay ka shaqeeyaan ayaa nala leeyahay”, Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markale yiri,”Maanta meelaan soo gaarney nalagu shardiyey ballan inaan qaadno, dowlad la yaqaan doorasho qof iyo cod ah ku timid xisbiyo leh, waxaan rabnaa dowlad la saadaalin karo, la yaqaan xisbiga guulaysanaya”.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com