Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Muqtaar Roobow (Abuu Mansuur) oo ay wehliyaan qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed oo shir jaraa’id ku qabtay maanta magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay howlgallada dalka looga ciribtirayo Al Shabaab.
Wasiirka Awqaafta Arrimaha Islaamka Muqtaar Robow, ayaa sheegay in wasaaradda iyo culimada oo isku duuban ay garab taaganyihiin geesiyaasha Qaranka iyo kuwa deegaanka,waxa uu carabka ku adkeeyay in diiniyan ay qalad tahay in laga been abuuro dagaalka lagu difaacayo Diinta iyo sharafka ummadda soomaaliyeed.
Mukhtaar Roobow ayaa Al Sahbaab u sheegay in Kabul iyo Dimishiq aheyn Soomaaliya, isagoo tilmaamay in khawaarijta tabar beeleen laheyn awood ay ugu bac-bacdhigaan ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka taas badalkeeda fariimo been ah isticmaalayaan taasoo iyana ugu dambeyn u socon waysay.
“Kaabuul iyo Dimishiq midna noqon meyso Muqdisho, Khawaarijtuna kama awood badna sidii hore.” Ayuu yiri Wasiir Sheekh Mukhtaar Roobow.
Sheekh Cali wajiis oo kamid ah culimada Soomaaliyeed oo meesha ka hadlay ayaa dhankiisa tilmaamay mooqifka culimada ee dagaalka Al Shabaab, isagoo sheegay in dowlad iyo shacaba loo istaago sidii dalka looga xoreeyn lahaa khawaarijta oo ka been sheegay diinteensuuban ee Islaamka ah.
Culimada kale ee shirka jaraa’id ka hadlay ayaa dhankooda sidoo kale adkeey muhiimadda ay leedahay garab istaagga ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee Al Shabaab kula dagaalamaya furimaha hore ee dagaalka, iyagoo mar kale carabka ku adkeeyey dilka kooxdaasi in Alle loogu dhawaanayo.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com