Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa 14 sano kaddib loo maqlay cod dalbanaya in Soomaaliya Turkiga la xisaabtanto ?

Turkiga wuxuu yimid Soomaaliya muddo laga joogo 14 sanno ka hor , sannad walba oo ka dambeeyay booqashadii u horreysay ee madaxweynaha Turkiga , Recep Tayyip Erdogan uu ku tagay Muqdisho , sannadkii 2011 , oo ahayd booqashadii u horreysay oo hoggaamiye sare oo caalamka ah uu ku tago Muqdisho, xilli ay xaalad darran oo abaar ah ku jirtay waxaa sare maray saameynta Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya . Saameynta waxay ka timid Turkiga wuxuu Soomaaliya u furay albaab iskaashi diblomaasiyadeed , dhaqaale iyo horumarin leh.

Markii saddexaad ayaa hadda la filayaa inuu Erdogan booqasho ku tago Muqdisho, booqasho kasta wuxuu daah-furay mashaariic kale duwan, iyadoo horey uu Muqdisho uga hirgeliyay mashaariic ay ku jiraan dib u dhiska dekedda iyo garoonka diyaaradaha oo ay weheliyaan isbitaalka Digfeer oo ka mid ah isbitaallada ugu horumarsan gobolka , inta kuma joogin oo Turkiga si uu u muujiyo iskaashiga Soomaaliya wuxuu ka dhisay Muqdisho meel dhinaca ku heysa xeebta degmada Cabdicasiis ee Muqdisho dhismaha safaaradeed ee ugu weyn oo Turkiga ku leeyahay caalamka iyo saldhig militari oo lagu tababbaray ciidanka Soomaaliya.

Dal kasta oo kale marka la barbar dhigo Turkiga , ma jiro howlaha uu ka qabtay caasimadda Muqdisho , cid ka qabatay , taa oo ah waxa xoojiyay xiriirka labada dal.

Laakin muxuu u sameynayay Turkiga arrimahan oo dhan?

Sannadkii 2011, gobolka bariga dhexe iyo waddamada Islaamka waxa ay wajahayeen xaalado kale duwan , balse waxay ka sinaayeen colaadaha; Turkiga waxaa dhinaca ku hayay dalka Suuriya oo malaayiin ay ku dhimanayeen kuna gaajoonayeen, Ciraaq, Liibiya illaa Yemena kama jirin nolol, kuwaasii waa walaalaha Turkiga, laakin wuxuu yimid Soomaaliya, sababtoo ah dalalku danahooda uma dayacaan cid ay walaallo yihiin, maxaa yeelay mana jirto dalal walaalo ah, taasi waa inaysan jirin dal dunidda ku yaal oo ujeeddo la’aan ku bixinaya taageerro dhaqaale iyo xataa iskaashi diblomaasiyadeed , si la mid ah Turkiga markii uu yimid Muqdisho oo dunidda oo dhan uu tusay inuu jiro dal la yiraahdo Soomaaliya oo xataa diyaaradiisa oo ku jirta tobanka sare diyaaradaha rayidka adduunka uu ka dejiyay Muqdisho , arrimahaa oo dhan uma dhaceyn kharash la’aan oo Turkiga wuxuu ku socday istaraatijiyadiisa uu sare ugu qaadayo saameyntiisa caalamka iyo dhaqaalaha — wuxuu Turkiga u beddelay Soomaaliya suuq muhiim u ah, illaa ku dhawaad 60% badeecada taalla magaalada ugu dadka badan Soomaaliya ee caasimadda Muqdisho ay noqotay mid laga soo dhoofiyo Turkiga , halka Turkiga uu gacanta ku dhigay dekedda u adeegta gobollo badan oo dalka ah ee Muqdisho iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho oo in ka badan 5 kun oo rakaab gudaha ah iyo kumannaan kale oo dibadda u safra ay adeegsadaan maalin walba , intan oo lagu daray shirkadaha gaarka ah ee Turkiga oo mashaariic kale duwan ka haya Soomaaliya , wuxuu ku gaaray mugga ganacsiga laba geesoodka ahi $250.85 milyan sannadkii 2019 , oo ah diiwaanka kaliya ee aad heli kartid , balse qiyaasto waa in ku dhawaad saddex laab uu hadda joogo mugga ganacsi ee labada dal , iyadoo Soomaaliya kaliya 10% uu noqonayo faa’iida dhaqaale ee ay ka helayso waxyaabaha ay u dhoofiso Turkiga.

Marka laga soo tago boqollaalka milyan ee sannad walba uu faa’iido Turkiga , sidoo kale waxaa lagu abaalmariyay heshiisyo ganacsi oo si daahfuran aan loo faahfaahin oo ay ugu dambeeyeen heshiisyadii khayraadka badda , iyagoo xataa hadda dadaal ku bixinaya inay sidoo kale helaan khayraadka dhulka haddii lagu wareejiyay badda!

Balse, muddadaa 14 sanno ah Soomaaliya waxay joogta halkeedii, oo waxba kama beddelin iskaashigii militari ee Turkiga oo kumannaan ciidan ah u tababbaray Soomaaliya, balse waqtigan Soomaaliya waxay wali dalbanaysa ciidan shisheeye si ay uga ilaaliyaan AS inay mar kale qabsato magaalooyin , joogitaanka Turkigana waxbaa kama beddelin amniga iyo dhaqaalaha, tani waa sababta aan hadda u maqleyno codadka ku baaqaya in lala xisaabtamo Turkiga oo la hakiyo in khayraadka iyo muhiimada uu dalku lahaa lagu wareejiyo Turkiga oo aan awoodin inuu isbeddel dhaliyo, xilli lagu tirayo Turkiga waddamada heysta militariga ugu xooggan xulafadiisa Soomaaliya waxay ku dhibtoonaysa inay gaarto xasillooni , la isugu gudbi karo gobollada!

Turkiga wuxuu awood u leeyahay inuu militarigiisa iyo tiknoolajiyadiisa ku soo daabulo Soomaaliya , hab u dhacaysa heshiis , si loo dedejiyo ciribtirka AS , guud ahaan dalkana loo rogo goob xasilloon oo ay ka surageli karto maalgashi iyo waxsoosaar beddela wajiga Soomaaliya , laakin taasi kama imaanaysa Turkiga ee cidda looga baahanyahay ayaa ah Soomaaliya!

Yay tahay in lala xisaabtamo?

Turkiga wuxuu ku socdaa istaraatijiyada uu ka leeyahay Soomaaliya oo laga soo billaabo sannadkii 2011-kii, wax walba si wanaagsan ayay ugu socdaan , mana uu doonayo Turkiga inuu uga leexdo ujeeddooyinka uu u yimid Soomaaliya hadallada warbaahinta lagu gudbiyo ee ka imaanaya Soomaaliya , balse cidda ay wax ka maqantahay oo isbeddelka doonaya waa Soomaaliya , isla Soomaaliya ayaa u baahan inay isla xisaabtanto, halkii laga aadi lahaa Turkiga , sababtoo dawladahii muddada ka jiray Soomaaliya ma awoodin inay ula tagaan Turkiga qorshayaal iyo istaraatijiyad u horseedi karta Turkiga inuu door ka qaato isbeddel ka dhaca Soomaaliya , iyadoo aysan dhicin qorsheyn iyo istaraatijiyad u diyaarsan Soomaaliya , wuxuu Turkiga iyo dal walba ku socon doono qorshihiisa,markiisi ma aha in lagu eedeyo sababta Soomaaliya wax isbeddel ah looga arag!

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si indho xiran u ansixiyay heshiis kasta iyo warqad kasta oo magaca Turkiga ku qoranyahay , mana sameeyaan daahfurnaan iyo isla xisaabtanka oo ah mas’uuliyada ay u qaadeen bulshada Soomaaliyeed, halkan ayaa ah cidda ay tahay in isla xisaabtanka laga billaabo , ma jirto sharciyad Turkiga lagula xisaabtamo adigoo ansixiyay dhammaan heshiisyada uu ku joogo Soomaaliya , iyadoon la tallaabsan waa in isla xisaabtanka uu ka dhaca gudaha Soomaaliya, si loo gaaro halka la hiigsanayo, haddii kale Turkiga wuxuu ku socon doonaa qorshihiisa illaa qodobka u dambeeya ee u degsan!

Ka warran Baarlamaanka dal 65 xor leh, waxaa maanta la noqotay dadweynaha wax layaab leh oo ay soo dhaweeyeen, markii xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, , Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin uu soo bandhigay inaysan jirin wax laga arkay heshiisyadii hore ee Turkiga oo isbeddel dhaliyay, taa beddelkeeda wuxuu soo jeediyay in la hakiyo heshiisyada illaa laga soo bandhigayo wixii ka hirgalay heshiisyadii hore. Hadalka wuxuu usoo jiitay Soomaalida ayaa ah inaysan isla xisaatab horey uga maqal gudaha Baarlamaanka, sababtoo ah xildhibaannada xarunta ku sugan waxay ilaaliyaan masaaliixda madaxtooyadda, halka ay wax ka halaabeenna waa habka ay ku yimaadeen oo aan suragal ka dhigi karin inay matalaan bulshada inteeda kale,mana aha wakiillo dadweynaha ka yimid ee waa wakiillo ka yimid siyaasiyiinta, isla siyaasiyiintana waa halka uu ka yimid ‘cudurka koomada geliyay Soomaaliya’.

Waxa u dambeeya ee aan ku sheegi karo; waa in qorsheyn la’aanta Soomaaliya ay dhalisay inay fuliso qorshayaasha dalalka shisheeye..!

 

W/Q Iman Jamac

Related posts

Mareykanka oo Dib u bilaabay Duulimaadka Diyaaradaha Daroonka ee Badda Madow

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: R/W Khayre oo Kulan la Qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway

Cabdi Cade

Shir deg deg ah oo la isugu yeeray madaxda OIC iyo arrinta ay ka hadlayaan oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---