Taliska ciidamada difaaca dowladda Puntland oo faahfaahin ka bixiyay hawlgalladii u danbeeyay ee buuraha Calmiskaad l, ayaa shaaciyay in ay ilaa lix talis ka saareen dagaallamayaasha Argagixisada ISIS.
Taliyaha ciidanka Kumaandada ee PMPF G/dhexe Maxamuud Shire Maxamed oo ka warbixiyay hawlgalladaasi ayaa sheegay in ciidamada oo hawlgal qorshaysan ka sameeyay togga Geel-lagu-qal ay gacanta ku dhigeen ilaa lix talis, oo ay si qarsoodi ah halkaasi uga samaysteen mileeshiyaadka ISIS.
“Ciidamadu waxay shalay hawlgal ka sameeyeen meesha la yiraahdo Geel-lagu-qal, waxaana laga helay talisyo ballaaran oo ay ku dhuumaaleysan jireen Argagixisadu, oo ay ku keydsan yihiin rasaas, agab militari iyo raashin badan oo dhawr gaari qaadi karto, kuwaasi oo meelo qarsoon ay ku laabteen, waana ka soo saarnay dhammaantood geed walba oo ay galiyeen wax ciidanka ka qarsoomaya ma jiraan.”
“Ilaa lix talis baan  helnay meesha lagu magacaabo Geel-lagu-qal, waana nadiifinay dhammaantood wixii agab millitari iyo raashin ugu keydsanaa, waxaan kale oo helnay goof dab-rid oo ay mileeshiyaadkooda ku tababari jireen. Argagixisadu waa fulayo waxay ka carareen agabkoodii, biyihii iyo raashinkoodii” ayuu yiri G/dhexe Maxamuud Shire.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in uu dardar xooggan ku socdo wejiga saddexaad ee dagaalka ka dhanka ah Argagixisada ISIS, waxaana uu si weyn ugu mahadceliyay ciidamada kala duwan ee difaaca Puntland oo godadka ugu daatay firxadkii dagaallamayaasha Argagixisada ee baxsadka ah, kaddib markii ay ku soo jabeen wejigii hore ee hawlgalka oo ka dhacay togga Jeceel.