Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa shaacisay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay Horjooge Yuusuf Dhegnaas oo katirsanaa saraakiisha kooxda Al Shabaab.
Howlgalkan ayey sidoo kale sheegeen sirdoonka Soomaaliya in lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo katirsan kooxda Al Shabaab, kuwaa oo ilaalo gaar u ahaa horjoogahan la dilay.
Warka kasoo baxay Hay’adda NISA , ayaa Sidoo kale lagu sheegsy in gaadiid dagaal kooxda Al Shsbaab looga gubay howlgalkaas , sidoo kale kooxda khasaarooyin kale oo xooggan la gaarsiiyay.