Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo si adag u beenisay hadal ka soo yeeray dowlada Somalia

Puntland ayaa si adag u beenisay in Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay gargaar bani’aadannimo soo gaarsiisay deegaannadeeda, waxayna ku tilmaantay hay’ad ay hareeyeen musuqmaasuq iyo wax-is-daba marin baahsan.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Puntland Marwo Ubah Abdirashid Mohamed ayaa sheegtay inaysan jirin wax gargaar ah oo ka soo gaaray hay’addaasi, iyagoo shacabka uga digay wararka lagu marin-habaabinayo bulshada.

Xiisadda ayaa imaanaysa xilli Puntland ay wajahday abaaro iyo xaalado bani’aadannimo oo adag, iyadoo khilaafka labada dhinac uu sii xoogaysanayo.

Dhowaan ayey aheyd markii gudoomiyaha SODMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, uu sheegay iney deeq raashinka ah oo loo qorsheeyay in la gaarsiiyo Saddex kun (3,000) oo qoys uu ku wareejiyay Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Jigaato) oo laga soo doorto Puntland.

Guddoomiyaha oo warbaahinta la hadlay ayaa xusay in si loo yareeyo saameynta taban ee ka dhasha abaaraha iyo colaadaha ay hay’addu adeegsan doonto bad, barri iyo cir-ba, si gargaaka loo gaarsiiyo goobaha la xoreeyay iyo degaannada colaaduhu saameeyeen ee Puntland.

 

Related posts

Halkuu ku dambeeyay Qorshihii la doonayay in Muqdisho lagu keeno Hogaanka Ahlu Sunna ?

Cabdi Cade

Sheekh Shariif oo ku baaqay in baaro qaabkii loo maareeyay Weerarkii Cowsweyne

Cabdi Cade

Daawo:-Labo Cadaw oo la sheegay in ay leedahay magaalada Balad Xaawo iyo Howlgalo ka socda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---