Allbanaadir.com
NEWS

Amniga caasimadda Muqdisho oo kulan muhiim ah laga yeeshay

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa shir-guddoomiyey kulan ku saabsan amniga caasimadda oo ka dhacay xarunta Gobolka Benaadir.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaa gudoomiyaha gobolka banaadir ahna Duqa Muqdisho mudane Mohamed Ahmed Amiir, Wasiiro ka tirsan XFS iyo Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa diirradda lagu saaray qorshaha horumarinta amniga caasimadda iyo degmooyinka ku xeeran, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa ammaanka shacabka ku nool Gobolka, loona adkayn lahaa iskaashiga hey’adaha kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha amniga.

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran, ay muhiimad weyn siinayso la shaqaynta hey’adaha amniga, dhiirrigalinta ciidamada qalabka sida, is-dhexgalka laamaha dowlada iyo shacabka, wuxuunna faray golaha wasiirrada in bisha barakaysan ee Ramadaan ay kula soo afuraan shacabka iyo Saraakiisha amniga degmooyinka caasimadda.

Mudane Saalax, ayaa kula dardaarmay Saraakiisha kala duwan ee masuulka ka ah amniga caasimadda in ay isku xirnaadaan, ayna dhexgallaan shacabka ku nool Gobolka Benaadir, si bulshada looga soo dhex-saaro kuwa halista ku ah amniga, ee ku dhex ganbbanaya shacabka caasimadda.

Related posts

Wasiirka Amniga oo si weyn loogu soo dhaweeyay Caabudwaaq (Sawirro)

Cabdi Cade

Booliska Muqdisho oo Mamnuucay socodka Mooto Bajaajka laga bilaabo..

Caydiid Ali

Dagaalka Suuriya ka qarxay iyo danaha iska soo horjeeda ee dagaallamaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---