Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo War kasoo saartay dagaalkii ka dhacay Boos Hareeri

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in ciidanka xogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya geesiyaasha Deegaanka guul weyn ka gaareen dagaal maanta ka dhacay deegaanka Boos Hareeri ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Warka kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in ciidamada oo ka war qabay weerarka Al Shabaab ay ka hortagay, iyagoo dhirbaaxo adag ku dhuftay argagixisadii la soo qalday , sida dowladda tilmaantay.

Inta uu socday dagaalka waxaa lagu dilay 20 xubnood oo katirsan Al Shabaab oo isugu jiray horjoogayaal sare iyo maleeshiyaad, Ciidamadda ayaa gacanta ku dhigay gaadiid iyo saanad ciidan oo ay wateen kooxda Al Shabaab.

dowladda ayaa sheegtay in howlgalkaan guulaystay uu qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso inay Al Shabaab uga xorayso dhulka ay kaga dhuumaalaysanayaa Dalka.

Related posts

Xildhibaan Kenyan oo ka soo horjeestay joogitaanka C/rashiid Janan ee Mandhera

Caydiid Ali

Baaq ku saabsan ka badbaadinta Dalka Khalalaasaha siyaasadeed ee dalka oo lasoo saaray

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo weerar culus ku qaaday Villa Somalia soona bandhigay Qorshe ay …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---