Allbanaadir.com
NEWS

Dalal Soomaaliya ku jirto oo la qorsheenayo in laga mamnuuco in Mareykanka galaan

Dowladda Mareykanka, ayaa qorsheeneysa in dib usoo celiso xayiraadii socdaalka ee uu horey u saaray dalal u badan waddamada muslimka ah oo laga mamnuucayo inay soo galaan Mareykanka .

Waddanada illaa hadda la aqoonsaday in muwaadiniintooda laga mamnuucayo Mareykanka inay galaan waxaa ka mid ah Afgaanistaan iyo Pakistan, iyadoo liiska waddamadii uu muddo xileedkii hore ee Trump laga mamnuucayo Mareykanka ay ku jireen waddamada kale ah; Cuba, Iran, Libya, North Korea, Somalia, Sudan, Syria, Venezuela iyo Yemen. Dalalkan ayaa mar kale la kulmi kara mamnuucista.

Warbixinnada waxay sheegeen in markan laga yaabo in sare loo qaado waddamada la kulmaya mamnuucista inay galaan Mareykanka , kuwaasoo loo kala qeybinayo, dalal aan gabi ahaanba loo oggolaan doonin wax dal ku gal ah iyo waddamo muwaadiniintooda qaar oo ay ku jiraan dadka maalqabeennada ah iyo dalxiisayaasha la siin doono dal ku galka, marka laga qaado waraysiyo badan.

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa ku warranay in lugula taliyay dadka heysta fiisaha ama dal ku galka ee ku jira waddamada horey Mareykanka looga mamnuucay inay si dhaqso ah ku tagaan Mareykanka, inta uusan soo bixin amarka mamnuucista.

Related posts

Madaxweyne Zelenskiyy oo ceyriyey danjirihii Ukraine u joogay UK ka dib markii..

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey Qaraxii 3aad ee ka dhacay Baladweyne & xaalada oo kacsan

Caydiid Ali

Wasiir Maareeye oo looga yeeray Baarlamaanka kadib mooshin laga gudbiyay (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---