Allbanaadir.com
NEWS

Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Magaalada Port Elizabeth

Sida ay sheegayaan wararka wiil Soomaali ah ayaa xalay lagu dilay dalka Koonfur Afrika oo ay ku nool yihiin dad badan oo Soomaaliyeed.

Ninkan Soomaaliga ah oo magaciisa aysan noo suuragalin inaan helno ayaa  lagu dilay xaafada Joe slovo oo ka tirsan magaalada Port Elizabeth.

Goob joogayaal ayaa sheegay in koox hubeysan oo burcad ah ay weerareen ninkan Soomaaliga ah goob ganacsi uu lahaa halkaasoo ay ku dileen isagoo sooman.

Burcada ayaa la sheegay iney ka qaateen dukaankiisa lacago iyo agab kale ka hor inta aysan goobtaas ka baxsanin sida wararku sheegayaan.

Daqiiqado ka dib waxaa goobtaas gaaray ciidamada amaanka dalka Koonfur afrika oo goobtaas xiray, baaritaana ka sameeyey inkastoo aysan ku guuleysan qabashada raggii ka dambeeyey Falkan

Dilkan ayaa qeyb dilal isdaba joog ah iyo boob oo Soomaalida iyo ajaaniibta kaleba loogu geystay dalkaasi sanadihii la soo dhaafay.

Related posts

Dowladda Shiinaha oo Ballanqaad u sameesay Baarlamaanka Soomaaliya (Sawirro)

Cabdi Cade

Siyaasi Soomaali ah oo loo doortay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dowlada Itoobiya

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo codsi u diray culimada ku sugan Kismaayo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---