Allbanaadir.com
NEWS

Duqeyn xoogan oo xalay ka dhacday degaanka Labo garas

Duqeymo xooggan ayaa xalay lagu garaacay degaanka Laba-garas oo ku yaalla bannaanka degmada Cadalle ee gobolka Shabeellada dhexe.

Saraakiil iyo ciidamo taabacsan Al shabaab ayaa la sheegay inay ku sugnaayeen goobta la duqeeyay oo ahayd Kaymo adag oo ay gabaad ka dhiaganayeen

Khasaaraha ka dhashay duqeyntaas lama oga balse dadka deegaanka ayaa wariyay in dhowr Madfac oo aad u xoog badan lagu garaacay halkaas.

Dowladda Soomaaliya ma aysan ka hadlin duqeynta dhacday iyo khasaaraha ka dhashay intaba.

Shabeellada dhexe waxaa ka socda guluf xooggan oo ka dhan ah Al shabaab, kaasoo ay wadan ciidanka xoogga dalka oo kaashamaya maleeshiyada degaanka, waxaana gulufkaan barbar soconaya duqeymaha saaxiibada caalamka.

Related posts

Taliye Xijaar oo ku fashilmay qorshe uu ka waday degaanada Puntland

Caydiid Ali

Xiriirka Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti: Karka Maxaa Keenay? (Wax badan ka Ogow)

Cabdi Cade

Calaamada Mombasa oo kale oo Kismaayo laga dhisay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---