Allbanaadir.com
NEWS

Saamaynta ka dhalanaysa $1.5 bilyan oo USA ka joojiyey Somalia

Ayadoo Mareykanka uu joojiyay inta badan gargaarkii uu siin jiray dalal badan oo caalamka ah, ayaa Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka uu saameeynta ku yeeshay gargaarkaasi la hakiyay sida uu dhawaan Wasiirka Maaliyada Dowladda Federaalka ah Biixi iimaan Cige uu ka sheegay fadhi ay lahaayeen Baarlamaanka Soomaaliya.

Biixi waxa uu sheegay in maaliyad ahaan meelaha ay sida tooska uu u saameeysay gargaarkaasi la hakiyay ay tahay kaalmadii ay heli jireen ciidamada oo ay ugu horresyo tan Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab, iyo kaalmo kale oo ay heli jireen hayadaha maaliyaddu sida xarunta warbixinta maaliyadda oo kale, “kaalmadaas ayaa dhammantood istaagtay” ayuu yiri Wasiir Biixi.

Wasiirku wax uu sheegay in kaalmada ama dhaqaalaha ay bixin jireen hay’adahaas,sida hay’adda USAID, oo ay ku bixin jireen arrimaha bani’aadannimada iyo kuwa horumarinta in dhaqaalahaas marka la isku daro “qiimeeynta guud ee aan sameeynay sanadkii waa lacag aan ka yareyn 1.5 bilyan oo dollar oo saameyn ah ayeey dowladda Soomaaliyeed ku yeelanaysaa” ayuu yiri wasiirka maaliyaddu.

Waxa aan arintaasi wax ka weydiinay Dr Shaafici Shariif Maxamed oo ka faalooda arrimaha dhaqaalaha iyo siyaasadda, waxa uuna sheegay in saameynta ay tahay seddex nooc kuwaas oo kala ah gargaarka bani-aadannimo oo loo soo marsiiyo USAID, gargaar la siiyo ciidamada sida kuwa uu sida gaarka ah Maraykanku u tababaro oo mushaaraadkooda iyo saadkooda bixiyo, iyo taakulada uu Maraykanku siiyo ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga afrika ee ATMIS ee hadda isku beddelay AUSSOM.

Soomaaliya ayaa 70% waxa ay dhaqaale ahaan ku tiirsan tahay kaalmada dibadda sida uu sheegay Dr Shaafici taas oo Maraykanku uu qeyb ka yahay .

Gargaarka bani’aadannimo ayaa halka uu saameynta ugu weyn ku yeelan doono wax ay tahay howlihii bani’aadannimo ee ay wadday hay’adda USAID sida waxbarashada iyo caafimaadka.

“Haya’dda USAID waxa kale oo ay kaalmeeysaa hay’adda UNICEF oo arimaha caruurta wax ka qabata . Marna USAID iyadaa si toos ah wax u qabata, marna waxa ay caawisaa haydaha kale” ayuu yiri Dr Shaafici .

Hay’adda USAID ayaa waxa ay dad badan u sameysaa shaqo abuur sida in ay lacag deymiyaan dumarka maadaama ay gobolada ka soo barakaceen si loo helo xal waara.

Marka ay timaado dhanka ciidamada Danab ayeey saameyn weyn ku yeelan doontaa maadaama ciidmadaas mushaar iyo daryeel ka duwan kan kale ee ciidamada ay helaan, bacdamaa si gaara ah Maraykanku uu gacanta ugu hayo.

Ma aha markii ugu horeeysay ee Maraykanku joojiyo kaalmadii uu siin jiray Soomaaliya, waxa uu horey u joojiyay markii Donald Trump uu xilka qabtay xilligiisii koowaad ee xafiiska sanadkii 2017kii markaas oo ciidamadii maraykanka uu guud ahaan Soomaaliya ka saaray.

Xigasho: BBC

Related posts

Cali Guudlaawe oo xilkii ka qaaday C/salaan C/llaahi Xaashi, Mas’uul cusubna ku bedelay

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo hawada ka celiyay Diyaarada Itoobiya Airline oo kusii jeeday…

Cabdi Cade

Masuul caawa lagu dilay Gaalkacyo & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---