Allbanaadir.com
NEWS

Maxay tahay calaamada uu foolka ku sawirtay Xoghaye Rubio?

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ,Marco Rubio ayaa ka soo muuqday waraysi uu siiyay telefishinka Fox News , isagoo madaxa ay uga taal calaamada isku-talaab ee astaanta u ah masiixiyiinta, si uu u gudbiyo hanjabaad ka dhan ah Xamaas.

Waxaa uu sheegay in looga baahan yahay Xamaas inay si dhab ah u qaadato hanjabadii ka soo baxday Trump ee la xiriirtay inay si deg deg ah maxaabiista u sii daayaan.

Hadalkaas waxaa ka soo jawaabay Xamaas oo sheegtay in sida kaliya ee lagu sii deynayo maxaaniista ay tahay wadahadal iyo heshiis balse aan caga jugleyn waxba looga qaadeyn.

“Haddii aad doonaysaan maxaabiis, waxaa jirta kaliya hal waddo ; waa inad wada-xaajood iyo heshiis qaadataan, si fudud waa la sii deyn doonaa markaa maxaabiista” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xamaas

Maxay tahay calaamada madaxa uga taal Rubio?

Trump iyo xubnaha maamulkiisa waxay isku muujiyaan kooxo diimeed iyo inay u ololeynayaa sidii cadaanka u soo ceshan lahaa qiyamkooda , taasoo ay u arkayaan in lagu soo celin karo marka diimahooda ay ku adkaadaan cadaanka!

Marco Rubio oo waalidkii ka yimaadeen Cuba , wuxuu hadda soo hor fadhistay telefishinnada , isagoo madaxa ay uga taal isku talaab , isagoo doonaya inuu muujiyo sida uu ugu ad adag yahay masiixiyada!

Maxay tahay calaamadan? Waxaa jirta munaasabad diimeed ay xusaan dadka Masiixiyiinta ah oo loo yaqaan “Ash Wednesday,”  Waa maalin muhiim u ah oo ka mid ah kalandarka Masiixiyiinta waxayna u taagan tahay bilawga rasmiga ah ee maalmo ay soomaan! Inta badan waxaa la xusaa Arbacada ka hor maalinta koowaad ee ee afartan berri oo ay soomaan. Maalintan dadka waxaa loo dhiibaa dambas si ay wejiga ugu dhejiyaan iskutallaabta si ay isku xasuusiyaan in bani’aadamka ciidda laga abuuray dib loogu celin doono!

Related posts

(Akhriso) Booliska DF oo soo saaray amar la xiriira dabaaldega caawa ee 26-ka Juun

Caydiid Ali

Sargaal Al Shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada oo isku soo dhiibay ciidanka dowlada

Cabdi Cade

Heshiis horumarineed oo haldoorka Soomaalida dhexdooda laga dhigo ayaa hortebin u leh dowladda cusub

admin
Taboola Ads ---