Allbanaadir.com
NEWS

DF oo shaacisay ineysan jirin duulimaadyo ka xaniban Baardheere

Dowlada Somalia ayaa sheegtay ineysan xanibaad la saaray duulimaadyadiii maalin walba tegi jiray degmada Baardheere ee gobolka Gedo

Qoraal kooban oo ka soo baxay  Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay iney dayuuradaha rakaabka ay si caadi ah u tagaan Baardheere.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxa ay shacabka Soomaaliyeed u xaqiijinaysaa in aanay jirin wax xanibaad duulimaad ah oo saaran Garoonka Diyaaradaha Baardheere ayna diyaaraduhu si caadi ah u aadaan” ayaa lagu yiri qoraalka

Arrintan ayaa ku soo aadeysa xili shalay degmada Baardheere ay ku geeriyootay hooyo Soomaaliyeed, kadib markii ay umushay ayna la kulantay xanuun iyo dhiigbax waxba looga qaban waayey magaalada Baardheere.

Dhakhaatiirta ayaa ku taliyey in loo qaado magaalada Muqdisho, hase yeeshee waxaa saameysay xanibaad garoomada gobolka Gedo  ay saartay dowladda federaalka Soomaaliya taasoo looga mamnuucay duulimaadyada

“Farxiya waxay 14 maalmood oo silac ah kula jirtay xanuunkii magaalada Baardheere, ugu dambeyntiina way geeriyootay” ayuu yiri Maamulka degmada Baardheere

Talaabada DF ayaa lala xiriiriyey khilaafka adag ee ka dhex aloosan madaxda DF iyo kuwa Jubbaland kaasoo ka dhashay arrimaha doorashooyinka, waxaana xanibaada duulimaadyada ay saameysay shacabka ku nool degaanada Jubbaland.

Related posts

Xarunta Daryeel Bank ee Magaalada Muqdisho oo maanta si rasmi loo daahfuray (Sawiro)

admin

Kulan Muqdisho uga socda Gudoomiye Mursal, Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh (Sawirro)

Caydiid Ali

Ilhan Cumar oo guul Taariikhi ah ka gaartay Doorasho ka dhacday Mareykanka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---