Allbanaadir.com
NEWS

Hotel ay degnaayeen Muwaadiniin Mareykan iyo British ah oo gantaal lagu dhuftay

Dowladda Ruushka , ayaa xalay gantaal nuuca balaastik ah ku weerartay hotel kuyaalla magaalada Kryvyi Rih ee dalka Ukraine, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac dad shacab ah soo gaaray.

Inta la xaqiijiyay afar qof ayaa ku dhintay gantaalka lagu dhuftay hotelka kuyaalla magaalada Kryvyi Tih, waxaa sidoo kale weerarka ku dhaawacmay dad ku dhaw 30-qof oo kale , kuwaa oo qaarkood dhaawacyo culus qabaan.

Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelensky, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka lagu qaaday hotelka kuyaalla magaalada uu kasoo jeedo, waxa uuna sheegay in hoteelkaasi ay degnaayeen dad shacab ah oon aan waxba galabsan.

Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in hoteelka la duqeeyay ay degnaayeen mutadawiciin u dhashay dalalka Mareykanka, Britin iyo kuwa kasoo jeeda Ukraine, waxa uuna xusay in dadkii ku sugnaa hotelka loo gurmaday lana soo badbaadiyay qaar badan oo kamid ahaa.

“Ganaalada Ballistic-ga ah ayaa ku dhacay hoteel iska caadi ah. Wax yar ka hor weerarkana, mutadawiciin ka socda hay’ad bini’aadantinimo oo kala ah muwaadiniinta Ukraine, Mareykanka iyo Britain ayaa tegay hoteelkaas. Waxay ka badbaadeen weerarka maadaama ay u suurta gashay inay ka soo degaan qolalkooda, balse nasiib darro, afar qof ayaa ku dhintay weerarka.ayuu yiri Madaxweynaha.

Weerarkan ayaa imaanaya , xilli dowladda Mareykanka shaacisay in ay joojisay xogihii sirdoon ay la wadaagi jirtay ciidamada Ukraine, taa oo niyadjab weyn ku ah dowladda Ukarine oo inta badan xogaha weerarada kusoo wajahan ka heli jirtay Mareykanka.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Biixi: “Shacabka Muqdisho waa dad afduuban oo sidii la rabo laga yeesho”

Caydiid Ali

Madaxweyne Waare Oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho kana warbixiyay Shirkii Baydhabo (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Itoobiya oo jawaab kulul ka bixisay hadalo ka soo yeeray Jabhadda TPLF

Caydiid Ali
Taboola Ads ---