Allbanaadir.com
NEWS

DFS oo soo bandhigtay fursado lagu maalgashan karo Shidaalka dalkeena

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS, Mudane Daahir Shire Maxamed, ayaa ka qeybgalay carwada 11-aad ee shidaalka waddamada ku bahoobay ururka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika, oo lagu qabtay magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta kheyraadka shidaalka iyo iskaashiga dhinaca tamarta ee waddamada Bariga Afrika, iyada oo xoogga lagu saarayo xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo waddamada gobolka, gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo maalgashiga Kheyraadka dabiiciga ah sida shidaalka iyo macdanta.

Wasiir Daahir Shire Maxamed ayaa la wadaagay ka qeybgalayaasha shirka fursadaha iyo caqabadaha maalgashiga shidaalka ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay leedahay fursado badan oo dhinaca tamarta ah, kuwaas oo u baahan maalgelin iyo iskaashi caalami ah si loo horumariyo.

Shirkan oo halku-dhiggiisu ahaa “Furitaanka Maalgelinta Shidaalka iyo Gaaska Mustaqbalka” ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii waddamada ku bahoobay ururka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika bulshada ay u abuuri lahaayeen iskaashi adag oo ku saabsan shidaalka iyo gaaska, iyadoo la is-dhaafsanayo waayo-aragnimo iyo aqoon kororsi.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mid ka mid ah dowladaha waaweyn ee caalamka oo magacii iska bedeshay

Caydiid Ali

Madaxweyne Guudlaawe oo fursad siiyay Shacabka Cadalle

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo Fariin xasaasi ah u diray Shacabka Somaliland xili beri doorasho dhaceyso

Cabdi Cade
Taboola Ads ---