Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi wasiiro ah oo uu hoggaaminaayo ayaa maanta safar dalka Jabuuti booqasho ku tegay
Waxaa garoonka dayuuradaha ku soo dhoweeyey Wasiirka arrimaha dibeda ee dowlada Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf.
Muuse Biixi ayaa loo gelbiyey xarunta Madaxtooyada Magaalada Jabuuti halkaasoo uu kula kulmay Madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle iyo madax kale.
Wasiirka Arimaha Dibedda ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo ka mid ah wafdiga Madaxweynaha ayaa sheegay saaka in Madaxweyne Biixi uu martiqaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda dalka Jabuuti, halkaasina uu ku joogi doono booqasho rasmi ah oo qaadaneysa laba maalmood.
Sacad Cali Shire ayaa intaas ku daray in sidoo kale labada dhinac ay ka wada hadlayaan xoojinta xiriirkooda ganacsiga, socdaalka, nabadgelyada, siyaasadda iyo dhaqanka.
Safarka Madaxweyne Biixi ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee uu dibadda ugu ambabaxo tan iyo markii uu ku guuleystay doorashadii dabayaaqadii sanadkii hore ka dhacday Somaliland.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com