Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo Shacabkeeda uga digtay ka hadalka kiis xasaasi ah oo taagan

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Puntland, ayey uga hadashay xariga magaalada Garowe loogu geestay macallimiin iyo xubno kale oo lagu tuhmayo in ay taageereen kooxda Daacish ay dagaalka kula jiraan ciidamada Puntland.

Xariga loo geestay xubnahan tuhunka soo galay , ayaa gudaha Puntland ka dhalisay hadal heyno kala duwan, waxa ayna dadka qaar tilmaamayeen in dadka la xiray loo maray xarigooda sifo sharcidarro ah, loona heesto arrimo ka duwan kuwa hadda lagu soo eedeeyay.

Wasaaradda Warfaafinta Puntland , ayaa uga digtay bulshada reer Puntland in aysan ka hordhicin natiijada baaritaannada ay dadka xiran ku wadaan laamaha amniga , isla markaana ay ka fogaadaan faafinta warar aan la xaqiijin oo la xiriira kiisaska argagixisada.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faransiiska oo Qeylo dhaan kasoo saaray farogelin ay sheegeen in Turkiga ku hayo

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo mamnuucay Isticmaalka iyo ka ganacsiga Shiishada ,Taabuuga iyo kuwa kale (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahal la yeeshay Josep Borrel

Cabdi Cade
Taboola Ads ---