Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo qaaday tallaabo kale oo ka dhan ah dowladda Ukraine

Dowladda Mareykanka ayaa sii kordhineysa cadaadiska ay saareyso dowladda Ukraine, si ay u aqbasho wadahadallo nabadeed ay la yeeshaan dowladda Ruushka ee duullkaanka ku qaaday dalkaasi, sidoo kale qabsatay gobolo kamid ah dalkaasi.

Mareykanka ayaa markan si rasmi ah u jaray xogihii sirdoon uu la wadaagi jiray ciidamada Ukraine ee dagaalka kula jira Ruushka, waxa ayna taasi saameyn aad u xooggan ku yeelan kartaa dagaalka ay ciidamada Ukraine uga soo horjeedaan kuwa Ruushka.

Agaasimaha CIA-da, John Ratcliffe ayaa Arbacadii sheegay in Maraykanku uu xilligan la joogo soo afjaray la wadaagidda xogaha sirdoon ee xukuumadda Kyiv, mana sheegin agaasimaha mudada ay qaadan karto tallaabadan ay qaadeyn.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, ayaa sidoo kale horey u hakiyay kaalmadii milatari uu siin jiray dowladda Ukraine, taas oo iyana saameyn aad u xooggan ku yeelatay dowladda Ukraine oo si weyn ugu tiirsaneyd kaalmaha Mareykanka siiyo.

Khilaafka Mareykanka iyo Ukraine , ayaa meel xun gaaray kaddib bahdiliii Aalka Cad lagula sameeyay Madaxweyne Zelenskyy oo hadda u muuqda mid isku dhiibay Trump, kana qoomameenaya tallaabadii uu qaaday intii uu joogay Aqalka Cad ayna canaanta ku wadeen Trump iyo kuxigeenkiisa.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo Asteeyay Maalinta la Dagaalanka Musuq maasuqa Soomaaliya (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo Shaaciyay in ay is difaaci doonaan haddii Itoobiya fuliso heshiiskii…

Cabdi Cade

Dowlada oo Shaacisay Magacyada Wasiiro iyo xubno kale oo heesta Hanti Dowladeed  

Cabdi Cade
Taboola Ads ---