Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo Markii u horeysay wadahadal la furay Xamaas

Mareykanka ayaa billaabay wadahadal toos ah oo ay ka maqantahay Israa’iil oo uu la yeelanayo Xamaas , tallaabadan oo waji-gabax ku ah Israa’iil ayaa Mareykanka wuxuu kala xaajoonaya Xamaas sidii loo sii deyn lahaa maxaabiista Mareykanka ah ee ay gacanta ku hayaan iyo in la gaaro heshiis waqti dheer oo xabbad-joojin ah, sida ay ku warrameen wakaaladda wararka ee Reuters iyo warbaahinta Axios.

Wadahadalka, waxaa lagu sheegay midkii u horreyay ee taariikhda oo dhan uu Mareykanku la yeelanayo ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta, halka maamulka Trump uu yahay Maamulkii u horreeyay ee Mareykanka oo wadahadal toos ah la yeelanaya Xamaas , tan oo ah wax aysan horey u arag Israa’iil oo saraakiil u hadlay ay sheegeen wada-hadalka inay ka war hayaan, balse waxay ka gaabsadeen inay cambaareeyaan, sida ay sheegtay Warbaahinta Axios.

Egayga gaarka ah ee arrimaha maxaabiista ee Madaxweynaha Mareykanka , Adam Boehler ayaa la sheegay inuu magaalada Dooxa kula kulmay saraakiil ka tirsan Xamaas , si ay u billaabaan wada-xaajoodka sii deynta maxaabiista Mareykanka, halka xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad, Karoline Leavitt ay xaqiijisay maanta  in Maraykanku uu wadahadal toos ah la yeelanayo Xamaas, iyadoo markaa xaqiijisay inay muhiim tahay badbaadada nolasha muwaadiniinta Mareykanka — hadalkan dambe wuxuu argagax ku yahay Netanyahu oo lagu sheegay mid aan dan ka lahayn nolasha maxaabiista.

59 maxaabiis ayaa weli ku harsan gacanta Xamaas. Ciidamada Israa’iil ayaa horey u  xaqiijiyay in 35 ka mid ah ay dhinteen! Sirdoonka Israa’iil ayaa dhankooda soo bandhigay inay aaminsan yihiin in 22 ka mid ah maxaabiista ay wali nool yihiin, kuwaasoo ay ku jiraan 5 maxbuus oo Mareykan ah.

 

Related posts

Safiirka Türkiye u joogay Khartuom oo ka badbaaday Weerar (Sawirro)

Caydiid Ali

Qaar kamid ah Wadooyinka Muhiimka ah ee Muqdisho oo Kaamirooyin lagu xiray (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxda DF iyo kuwa Dowlad goboleedyada oo kulan wadajir ah ku leh Dhuusamareeb

Caydiid Ali
Taboola Ads ---