Sida uu daabacay Wall africa journal WAJ diyaaradaha dagaalka ee dowladda Itoobiya ayaa duqaymo lagu beegsaday Al shabaab ka fuliyay gobolka Shabeelada Dhexe
Warka ayaa intaas ku daray in dayuuradaha Itoobiya ay duqeynta ka fuliyeen degaanka Daaru-Nimca oo habeenkii xalay la arkayay diyaarado duqayn ka fulinayay goobo ay ku sugnaayeen kooxda Al shabaab.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in Madaafiic aan la garanayn oo aad u culus aadna u dhawaq wayn ay ku dhaceen keymaha Daarul-nimca kuwaa oo qasbay in ay gubato qeybo ka mid ah deegaankaas.
Haddii warkan la xaqiijiyo Waxay noqoneysaa markii ugu horeesay oo diyaaradaha dagaalka ee dowladda Itoobiya ay toos uga qayb noqdaan dagaalka ka dhanka ah al shabaab.
Dayuuradahaaan duuliyaha laheyn ee Mareykanka iyo kuwa Turkiga ayaa looga bartay iney duqeeyaan goobaha ay joogaan al shabaab iyagoo taageeraya ciidamada DF.
Itoobiya ayaa waxaa Somalia ka jooga kumanaan askari oo badankood ku sugan gobolada Bay bakool iyo Gedo waxayna qaarkood qeyb ka yihiin ciidamada midowga afrika ee nabad ilaalinta u jooga Somalia.
Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay magaalada muqdisho muddo maalmo ah.