Allbanaadir.com
NEWS

Turkish Airlines oo hakisay duulimaadyadii Muqdisho

Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay magaalada muqdisho muddo maalmo ah.

Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay sheegayaan in duullimaadyadaas la joojiyey laga billaabo 6da Maarso ilaa 12 Maarso.

Inkastoo uusan war rasmi ah ka soo bixin sababta ay duullimaadyada u joojisay Turkish Airlines, haddana hay’adaha ka shaqeeya dhoofka ee jara tikidhada Turkish Airlined ayaa loo sheegay shirkaddu hakisay duullimaadyadii ay ku imaan jirtay garoonka Aadan Cadde, kuwaasoo ay si maalinle ah ugu timaado Muqdisho, sidaa awgeedna aysan muddadaas dhowrka maalmood ah jiri doonin wax duullimaad ah.

Dhanka kale, shirkadaha sameeya duullimaadyada caalamiga ee garoonka Aadan Cadde sida Ethiopian airlines, Qatar Airways iyo Egypt Air ayaan iyagu sheegin in ay duullimaadyadooda joojin doonaan.

Talaabadan ayaa timid ayadoo maalin ka hor uu Maraykanku markii labaad todobaad gudihiis soo saaray digniin ku socota muwaadiniintiisa oo uu uga digayo inay u safraan Soomaaliya.

“Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho waxay ku raadjoogtaa warar la isku hallayn karo oo la xiriira weerarro ay dhici karto in lagu qaado bartilmaamaeedyo kala duwan oo Muqdisho ku yaalla, oo u ku jiro garoonka caalamiga ee Aadan Cadde. Dhamaanba dhaqdhaqaaqyada shaqaalaha safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa la joojiyey ilaa ogeysiin dambe” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Maraykanka ee Muqdisho.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in weli digniinta safarka ee heerka afaraad ee Soomaaliya ay tahay mid dhaqangal ah sababo la xiriira “dambiyo, argagixiso, rabshado shacab, arrimo caafimaad, afduub iyo burcadbadeednimo”.

 

Related posts

Ciidanka Danab oo sheegay iney 50 dagaalyahan & Sarkaal sare ka dileen Al-Shabaab

Caydiid Ali

Xukun lagu riday nin Sabab layaab leh Muqdisho ugu dilay nin Shacab ahaa

Cabdi Cade

Sacuudiga oo go’aan kama dambeys ka soo saaray waajibaadka Xajka ee Sanadkan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---