Allbanaadir.com
NEWS

Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland oo arrimo xasaasi looga hadlay

Fadhigii 11-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, waxana lagaga wada hadlay arrimo badan waxaa ka mid ahaa arrimaha soo socda:

* Warbixin la xidhiidha Xaaladda guud ee Amniga dalka, waxana ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo sheegay in guud ahaannba amniga dalku uu sugan yahay.

* Warbixin guud oo la xidhiidha muuqaalka Maaliyadeed ee dalka, waxana ka warbixiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha, isaga oo sheegay in dar-dar gelinta ururinta ashuuraha GST iyo Cashuuraha Berriga ay si fiican u socdaan.

* Warbixin faah-faahsan oo la xidhiidha xaaladaha guud ee caafimaadka dalka, waxana ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

* Warbixin dheer oo la xidhiidha xaaladaha Barakacayaasha iyo gargaarka bini’aadanninimo, waxana ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bini’aadannimada JSL.

* Warbixin la xidhiidha xaaladihii ugu dambeeyey ee dhoofka xoolaha, u diyaargarowga iyo gurmadka abaaraha, xal u helidda Iskuulka Xannaanada Xoolaha Sheekh oo weli xidhan: waxa ka war bixiyey Wasiirka Xannaanada Xoolaha.

* Hab-raaca ururinta iyo Isku-dubbaridka xogaha hawl-gallada Wasaaradaha 100-ka maalmood ee wax-qabadka Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad: waxa ka war bixiyey Wasiirrada Warfaafinta iyo Madaxtooyada.

* Soo ban-dhigidda Siyaasadda Beeraha iyo Siyaasadda Abuurka Beeraha iyo war-murtiyeedka ka soo baxay Shirkii heer Qaran ee Beeralayda Somaliland: waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha.

* Ansixinta talo soo jeedinta Guddidii loo xil saaray maaraynta Shaqaalaha ku-meel-gaadhka ah: Golaha Wasiirrada ayaa talo soo jeedinta ku ansixiyey cod aqlabadiyad ah.

* Qaybinta Siyaasadda Baadhista Macdanta Qaranka (Akhriska 1-aad): waxana Golaha si guud ugaga xog warramay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta JSL.

* Qaybinta Xeerka  Kaalmo-Sharci (Akhriska 1-aad): waxana Golaha si guud ugaga xog warramay Wasiirka Caddaalada JSL.

* Hab-sami u socodka hawlaha Diwaangelinta Ciidamada kala duwan ee SL: waxa Golaha warbixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada.

* Ugu dambayntii, Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Golaha Wasiirrada warbixin guud ka siiyey dedaalladii ugu dambeeyey ee nabadaynta Degmada Ceerigaabo iyo Diiwaanh gelinta Ciidamada Madaniga ah kuwaasi oo meel wacan maraya. Madaxweynuhu waxa uu si weyn ugu mahad naqay Xubnaha Xukuumadda ee uu hoggaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka JSL isaga oo ku ammaanay hawlaha nabadaynta ee ay Ceerigaabo ka wadaan.

Related posts

Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo caawa ku dhowaaqay go’aan lama filaan ah!!(Aqriso)

admin

Sacuudiga oo balan-qaaday inuu wax ka qaban doono cabasho ka timid dowlada Somalia

Caydiid Ali

Al Shabaab oo Goob Fagaare ah ku toogatay 5- nin oo la eedeeyay (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---