Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Qoorqoor oo dhagax dhigay dhismaha 11 Wado

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa dhagax dhigay dib-u-dhiska waddooyinka hal bowlaha u ah isku socodka gaadiidka Caasimadda Dhuusmaarreeb, kuwaasi oo isugu jira Jidka weyn ee mara bartamaha magaalada iyo 10 waddo oo isku xira xaafadaha kala duwan ee caasimadda.

Madaxweyanaha oo dul istaagay ahmiyadda mashruucani u leeyahay  kobcinta dhaqaalaha bilicda iyo horumarka Galmudug ayaa ugu baaqay bulshada reer Galmudug in ay garab istaagaan dadaallada kukuumadda ee ku aaddan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dowlad-dhiska iyo horumarinta.

Dhismaha waddooyinkaan oo lagu hirgalinayo mashruuca Nagaad ayaa ka qayb weyn ka qaadandoona kobaca dhaqaalaha caasimadda, fududeynta isku socodka dadweynaha iyo bilicda caasimadda.

Munaasabadda dhagax-dhigga dhismaha waddooyinka Caasimadda, waxaa ka qayb galay Wasiirro ka tirsan xukuumadda, maamulka Gobolka Galguduud iyo kan Caasimadda Galmudug ee Dhuusamarreeb.

Related posts

Deni oo kulankii ugu horeeyey la qaatay Guddiga Wada xaajoodka Arrimaha Federaalka (Sawirro)

Caydiid Ali

Puntland oo ka hadashay Kalluun ku soo caariyey xeebta Boosaaso

Caydiid Ali

Weriye caawa lagu dilay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---