Allbanaadir.com
NEWS

RW Ku xigeenka & wafdi uu horkacayo oo Baydhabo gaaray

Ra’iisul Wasaare ku-Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalam Cabdi Cali, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray caasimaadda KMG ah,ee Maamul Gobolleedka Koonfur-galbeed, ee Baydhabo.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed iyo boqolaal shacab ah ayaa si diirran usoo dhaweeyay wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumadda DanQaran.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka iyo wafdigiisa oo xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qorshaha Xukuumadda ee ku aaddan dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo dhinacyada amniga iyo dib-u-xoreynta deegaannada Koonfur Galbeed ay kaga sugan yihiin kooxaha Khawaarijta, si loo xaqiijiyo amniga guud ee dalka.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo oo safar dibeda ah u ambabaxay

Caydiid Ali

Kala Shaki xoogan oo soo kala dhax galay Madaxweyne Qoor Qoor iyo Jeneraal Mascuud  

Cabdi Cade

Sheekh Shariif oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Garawe (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---