Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo ay tababar siiyeen Saraakiil Itoobiyaan ah oo tababar loo soo xiray (Sawirro)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Raisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Abdisalaan Abdi Ali , ayaa maanta si rasmi ah tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed.

Ciidamadan oo muddo 6 bilood ah tababar ku qaadanayay xerada Tababarka Ciidanka Itoobiya ee Magaalada Baydhabo ayaa la baray xirfado kala duwan oo ciidan, kuwaas oo sare u qaadaya awoodda difaaca iyo sugidda amniga Deeganada Koonfur Galbeed.

Saraakiil iyo tababarayaal Itoobiyaan ah ayaa ciidankan Koonfur Galbeed siinayay tababarkan maanta loo soo xiray, waxaana ciidankan lagula dardaarmay in dadkooda iyo deegaankooda ugu adeegaan daacadnimo.

Ciidankan tababarka loo soo xiray ayaa loo qorsheeyay in ay qeyb ka noqdaan dagaalka lagula jiro kooxda Al Shabaab , waxa ayna ciidankan ka howlgali doonaam deegaannada Koonfur Galbeed.

Related posts

Xaaf oo si adag ula hadlay Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya

Cabdi Cade

Suuqa Cajiibka ah ee Gabdhuhu ka iibsadaan raga ay guursanayaan !!(Sawirro)

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii saakay ka dhacay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---