Allbanaadir.com
NEWS

Jubbaland oo baaq muhiim u dirtay DFS iyo dowlad goboleedyada

War-saxaafadeed goordhaw kasoo baxay Madaxtooyada maamulka Jubbaland , ayaa lagu bogaadiyay dedaalada ay wadaan dadka deegaanka iyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, kuwaa oo  dagaal kula jira kooxda Al Shabaab.

Jubbaland, ayaa sheegtay in dedaaladan lagu ciribtirayo kooxda Al Shabaab haddii si mideysan loogu wada guntado in guulo wax ku ool ah laga gaari karo, waxaana qoraalka lagu sheegay in dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada masuuliyad wadajir ah ka saaran tahay dalkeenna.

Madaxtooyada maamulka Jubbaland qoraalka kasoo baxay ayaa loogu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya  iyo dowlad goboleedyada midnimo iyo wadajir , si argagaxisa loo ciribtiro , loona gaaro guulo iyo horumar .

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shaqaalaha Soomaalida ah oo loo diiday iney galaan Xarunta Xalane (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xasan Kheyre oo ka digay isku day halis ah oo ay wado madaxtooyada Soomaaliya

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay magaalada Kismaayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---