Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Puntland oo wada ugaarsiga firxadka kooxda Daacish (Sawirro)

Ciidamada difaaca maamulka Puntland , ayaa wada howlgallo balaaran oo ay ku baadigoobayaan firxad maleeshiyaad katirsan kooxda Daacish, kuwaa oo isaga cararay talisyo iyo deegaanno horey gacanta kooxdaasi ugu jiray.

Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in howlgalka socdo uu yahay mid lagu soo afjarayo kooxda Daacish, sidoo kale ku raadinayaan maleeshiyaad katirsan kooxdaasi oo mararka qaar si dhuumaaleysi ah qaraxyo ugu aasaya buuraha dhaxdooda.

Ciidanka howlgalka ku jira ayaa isu maray deegaannada ku hareeraysan Togga-jeceel iyo Togga Ina Cidoole, gaar ahaan deegaanka Dhextaal oo ay ku dhuumaleysanayeen firxadka argagixisada Daacish, waxa ayna ciidanka isku fidiyeen talisyadii ay ka carareen kooxda Daacish.

Taliska ciidanka difaaca Puntland, ayaa caddeeyay in ay ka go’an tahay soo afjarida jiritaanka kooxda Daacish, waxa ayna xuseen in ciidanjooda diyaar u yihiin sidii ay kooxdaasi argagaxisada ah guud ahaan uga saari lahaayeen deegaannada Puntland.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Bangiga Aduunka oo Somalia u ogolaaday in la siiyo $55 milyan iyo Wasiir Beyle oo ka hadlay

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo la kulmay Amb. Olgan Bekar (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ciidanka Israel oo ka baxay marinka kala qeybiya Gaza

Caydiid Ali
Taboola Ads ---