Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Zelenskyy oo shaaciyay in uu Trump ka hoos shaqeenayo

Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy , ayaa siyaasad ahaan isku dhiibay dowladda Mareykanka, isaga oo meesha ka saaray bahdlikii maalmo kahor loogu geestay xarunta looga arrimo Mareykanka ee Aqalka Cad.

Zelenskyy ayaa ku dhawaaqay in uu diyaar u yahay inuu ka hoos shaqeeyo hoggaaminta Trump , waxa uuna caddeeyay in uu diyaar u yahay fulinta rabitaanka Trump, isagoo xusay in dalkiisa uu diyaar u yahay wada-xaajoodyada lagu joojinayo dagaalka socda muddada ka badan saddexda sano.

Waxa uu sheegay in uu cudurdaar ka bixinayo waxii ka dhacay xarunta Aqalka Cad, waxa uunta intaa ku daray in diyaar u yahay in dib loo saxi khaladaadkii ka dhacay xarunta Aqalka , isaga oo intaa raaciyay in uu Mareykanka u saxiixayo heshiis ay ku qaadan karaan macdanta dalka Ukraine.

Madaxweynaha dalka Ukriane, ayaana sheegay in aysan sii jiri karin la’aan Mareykanka , waxa uuna aqbalay shuruud kasta oo uga timaada Madaxweyne Trump in uu fulin doono, taas oo muujineysa in uu is dhiibay Madaxweynaha Ukraine.

Hadalladan ayaa kusoo aadaya maalmo kaddib bahdilkii Madaxweyne Trump iyo kuxigeenkiisa xarunta Aqalka Cad ugu geesteen Madaxweynaha Ukraine, waxa ay sidoo kale kusoo aadeysa xilli Mareykanka hakkiyay kaalmadii milatari uu siin jiray Ukraine.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cali Guudlaawe oo Ammar siiyay maamulka G/Hiiraan iyo kan Baladweyne (Sawirro)

Cabdi Cade

(Akhriso) Beesha caalamka oo War cusub ka soo saartay arrimaha doorashada Somalia

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Rooble oo fariin ku aadan Doorashada u diray Madaxda Maamul Goboleedyada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---