Madaxweynaha Mareykanka , Donald Trump ayaa ka codsaday Putin inuu dhex dhexaadiyo Mareykanka iyo Iran , si ay uga wada-hadlaan barnaamijka Nukliyeerka Iran, sida ay ku warrantay shabakadda Bloomberg.
Putin ayaa la sheegay inuu soo dhaweeyay codsiga Trump , halka aqalka Kremlin-ka Ruushka , war uu soo saaray lagu sheegay ; “Arrinta Nukliyeerka Iran waa in lagu xalliyaa hab nabadeed.. Ruushku wuxuu diyaar u yahay inuu fududeeyo arrintan.”
Wargeyska The Telegraph, ayaa dhankiisa ku warramay inay Iran tixgalinayso codsi kasta oo uga yimaada Putin , oo la xiriira inay wadahadal toos ah la yeeshaan Mareykanka. Sarkaal sare oo Iiraani ah ayaa shaaca ka qaaday in Kremlin-ka uu la xiriiray golaha ugu sarreeya amniga Iran si loo fududeeyo wadahadal toos ah oo dhexmara labada dhinac.
Iskudayaya Trump , wuxuu ku soo aaddaya xilli saraakiisha Iran ay soo bandhigeen inaysan wax kalsooni ah ku qabin maamulka Trump, waxayna horey u joojiyeen inay wada-hadal toos ah la yeeshaan, taa oo ah waxa ku khasbaya Trump inuu raadiyo dhex dhexaadiyo ay ku kalsoonan karto Iran, balse xaaladda dhaqaale ee ka jirta gudaha Iran oo ka dhalatay cunaqabateynta muddada dheer ayaa dhankeeda ku riixi karta Tehran inay qaadato wada-xaajood si ay fursad ugu hesho inay dib u hagaajiso dhaqaalaheeda!