Fahad Yaasiin Taliyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya oo bixiyay waraysi gaar ah ayaa ka hadlay xiriirka Somaliland iyo Soomaaliya ee Imaraadka Carabta.
Fahad ayaa si adag u dhaliilay dawladda Imaaraadka Carabta iyo xiriirka ay la leedahay Maamulada ka jira dhulka Soomaalida, wuxuu sheegay in Imaaraadku xudun u yahay khilaafaadka, iyo muranada siyaasiga ah ee u dhexeeya madaxda Soomaalida, isagoo tusaale u soo qaatey Xasan Sheekh & Deni, Xasan Sheekh & Axmed Madoobe.
“Axmed Madoobe iyo Deni isma salaamaan, Xasan iyo Cirro isma salaamaan, kulligoodna qibladoodu waa Dubai; waxa yaab leh in aanu Madaxweyne Xasan waxba ka odhan waxa uu Imaaraad u sameeyey Somaliland.” ayuu yiri Fahad
Wuxuu soo qaaday shirweynihii caalamiga ahaa ee Somaliland lagu marti qaaday dhowaan, wuxuu sheegay in kursigii Madaxweynaha Soomaaliya ku fadhiisan lahaa, uu imaaraadku fadhisiyay Madaxweyne Cirro oo matalayay Somaliland.
“Imaaraadka ayaa qadiyadda Somaliland kaga adag Madaxweynaha Somaliland, waayo wuxuu ku fadhiisiyay kursigii Xasan Sheekh ku fadhiisan lahaa ” ayuu yiri Fahad oo u muuqday mid ka caraysan maqaamka Imaaraadku ku qaabilay Somaliland.
Waxaa uu sheegay in inta uusan siyaasada soo gelin ka hor uu kala tashaday culimo Soomaaliyeed oo uu ka mid yahay Shiikh Mustafe Xaaji Ismaaciil. “Wuxuu iiga digay inaanan dhex galin xiligan Siyaasadda Soomaalida wuuna ku saxnaa” ayuu yiri Fahad oo wareysigiisa oo dhameystiran la baahin doono maalmahaha soo socda,