Dalalka Carabta ,waxay maanta ku yeesheen magaalada Qaahira shir madaxeed gaar ah oo looga hadlay xaaladda Qasa, iyadoo hoggaamiyeyaasha Carabta ay muujiyeen diidmadooda ku aaddan barakicinta Falastiiniyiinta ee marinka Qasa, waxayna ay taageerreen qorshaha dib u dhiska Qasa.
Muhiimada shirka waxay ahayd labo qodob oo kala ah
- Qorshaha dib u dhiska Qasa ee ay hoggaaminayso Masar; Inta uu kulanka socda madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al-Sisi wuxuu soo bandhigay qorshahooda dib u dhiska Qasa, isagoo markaa sheegay in qorshahan uu dhaqangalayo, iyadoo aan la barakicin Falastiiniyiinta Qasa.
- Dhismaha guddiga maamulka Qasa; Madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al-Sisi, waxaa kaloo uu soo bandhigay inay dhinacyada Falastiiniyiinta iska kaashanayaan sidii loo sameyn lahaa guddi Falastiiniyiin ah oo madax bannaan oo maamulla Qasa.
Xamaas ayaa soo dhaweeyay qorshaha uu soo bandhigay Madaxweynaha Masar oo ay ku jirto dhismaha guddiga, kaddib markii Jihad Taha, oo ka tirsan ururka Xamaas uu u sheegay telefishinka Al Jazeera , in Xamaas ay oggolaatay soo jeedinta Masar ee ah in la sameeyo ‘Guddiga Taageerada Bulshada’ oo ka baxsan maamulka Qasa, si loo yareeyo dhibaatada dadka Qasa.
Madaxweynaha maamulka Falastiiniyiinta Daanta Galbeedka ee la heysto Maxamud Cabbaas, oo shirka Qaahira ku sugnaa ayaa dhankiisa soo dhaweeyay qorshaha Madaxweynaha Masar.
Sida laga maqlay Xamaas, guddiga isku dhafka ah ee Falastiiniyiinta; shaqadooda waxay noqonaysa adeegga dadweynaha oo ay ku jirto dib u soo celinta xasilloonida, gaarsiinta gargaarka looga baahan yahay Qasa iyo dib u dhiska , taasoo aan ka dhignayn guddigan inuu faraha la galayo maamulka Qasa ee ay hadda gacanta ku hayaan Xamaas, laakin Cabdel Fataax Al-Sisi , ayaa adeegsaday guddiga inuu yahay mid maamul! Waxayna tahay in la xuso in Trump iyo Netanyahu ay doonayaan maamulka Qasa in laga saaro gacanta Xamaas, tan oo ah mid ka mid ah caqabadaha ugu weyn ee mustaqbalka ay wajahayso Qasa.
IMAN JAMA