Afhayeenka dhinaca militariga ee kooxda Xuutiyiinta Yemen, Yaxye Sariic ayaa ku dhawaaqay inay maanta ku soo rideen hawada gobolka Xudeydah diyaarad nooca ka mid ah kuwa uguĀ sarreysa ee aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka , MQ-9 Reaper, tan oo ka dhigan diyaaraddii 15 ee noocan ah oo Xuutiyiinta ay ka soo ridaan Mareykanka, tan iyo dabayaaqadii sannadkii 2023
Mid kasta oo ka mid ah diyaaradan ayaa qiimo ahaan joogta $33 milyan, isku darku waa inay Xuutiyiinta gaarsiiyeen Mareykanka khasaare gaaraya $495 milyan doollar.
MQ-9 Reaper, wuxuu Mareykanka u muujin jiray qiyaame aan laga baxsan karin iyo diyaarad ay ku xiran yihiin tiknoolajiyad u fududeynaysa xaalad kasta inay weerarro ku fuliso, mid ka mid ah weerarradii ugu caansanaa ee diyaaradan dunidda ka fulisay waa weerarkii lagu dilay taliyihii ciidanka ilaalada kacaanka Iran ee Quds, Qasem Soleimani.
Iran ayaa ku guuleysatay 20 bishii June ee sannadkii 2019 inay soo rido diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee RQ-4A Global Hawk BAMS-D oo Mareykanka uu soo saaro, tan oo la aaminsanyahy inay tahay nooca ugu sarreeya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka heysto, iyadoo qiimo ahaan ay ka badan tahay $100 milyan oo dollar
Waxay ku dhaweysay soo rididdada diyaaradan inuu dagaal toos ah dhex maro Mareykanka iyo Iran , balse Trump oo xilligaa aqalka cad joogay ayaa kaliya 10 daqiiqo markii ay ka dhineed duullaan ballaaraan oo ciidanka cirka iyo badda Mareykanka ay ku qaadi lahaayeen Iran, wuxuu joojiyay weerarka, sida uu ku qiray Trump qoraal uu waqtigaa ku baahiyay bogga twitter-ka. Dabcana howlgalkaa ayaa xaqiijinaya inay Iran heli karto nidaamyo gantaallo oo soo ridi kara diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka , waana sababta loo arkay Xuutiyiinta oo ay Iran hubayso inay burburiyeen sumcadii diyaaradda MQ-9 Reaper.