Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo ka digay weeraro ku soo wajahan Muqdisho

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa dabagal ku haysa xogo lagu kalsoonaan karo oo la xiriira weeraro ka dhici kara meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Dhammaan dhaq-dhaqaaqa shaqaalaha safaaradda Mareykanka ee Muqdisho waa la joojiyay ilaa amar dambe sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Safaarada

“Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay xasuusineysaa muwaadiniinta Mareykanka in argagixisadu ay sii wadaan abaabulka afduubka, qaraxyada, iyo weerarada kale ee Soomaaliya. Waxaa laga yaabaa inay qaadaan weeraro digniin ah ama digniin la’aan ah, iyagoo beegsanaya garoomada diyaaradaha iyo dekedaha, koontaroolada, xarumaha dowladda, hoteelada, maqaayadaha, goobaha laga dukaameysto, iyo meelaha kale ee ay isugu yimaadaan dad badan oo reer galbeed ah” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay safaarada Mareykanka

Safaarada ayaa sheegtay in Qaababka weerarrada loo fulin karo ay  ka mid yihiin qaraxyada baabuurta, is-qarxinta, shakhsiyaadka, iyo madaafiicda.

“Dowladda Mareykanka ayaa si aad ah u xaddiday awoodda ay ku bixiso adeegyada degdegga ah ee muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya sababo la xiriifra la’aanta joogitaan qunsuliyadeed oo joogto ah Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka

Digniinta ay soo saartay safaarada Mareykanka ayaa soo beegmaysa xili la guda galay bisha Ramadaan oo Al-Shabaab looga bartay xoojinta weerarada, isla markaana ay gobolka Sh dhexe ka socdaan dagaalo culus oo khasaare xoogan lagu gaarsiiyey kooxdaas.

Related posts

Saddex Xildhibaan oo Daqiiqado gudahood kusoo baxay Doorasho aan lagu tartamin (Sawirro)

Cabdi Cade

Macalimiin ka yimid Wadanka Sudan oo lagu soo dhoweeyey Jaamacadda Benaadir (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiir shaaciyay tirada Xildhibaannada mucaaradka ku ah Xukuumadda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---