Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed C./llaahi Farmaajo ayaa taageero u muujiyey howlgalada ka dhanka ah al shabaab ee ka socda qeybo9 mka mid ah dalka gaar ahaan gobolada Sh/dhexe iyo degaano ka tirsan Puntland
“Waajib ayey inagu tahay dhammaanteen in aynu garab istaagno Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah, kuwaasoo kula dagaalamaya cadowga dhammaan furimaha dagaalka iyo goobaha ay soo weerareen ee Shabeellaha Dhexe. Arrintani malahan muxaafidnimo iyo mucaarad ee waa waajib qaran iyo masuuliyad taariikhi ah” ayuu yiri farmaajo oo soo saaray qoraalkan hoose