Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan Taliska Qeybta Gobolka Nugaal ayaa gacanta ku dhigay saddex eedeysane oo kala ah:
- Cabdiqaadir Cabdisalaan Siyaad
- Fahad Maxamed Abshir
- Caamir Cabdi Muuse Cabdi
Eedeysanayaashan ayaa lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin moral-gelin iyo taageero siinta koox Daacish. Booliska Puntland ayaa xaqiijiyay in eedeysanayaashu hadda ku jiraan gacanta ciidamada amniga, halkaas oo lagu wado baaritaanno dheeraad ah.
“Booliska Puntland waxay ku boorinayaan bulshada inay ka fogaato faafinta warar aan munaasib ahayn oo la xiriira kiiskan, iyagoo xusay in baraha bulshada looga baahanyahay in loo adeegsado si mas’uuliyad leh” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Booliska.
Eedeysanayaashu waxay wajihi doonaan sharciga, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadaha awoodda u leh si ay uga jawaabaan eedeymaha loo haysto sida lagu sheegay qoraalka Booliska.