Madaxweynaha Guddiga Midowga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa Talaadada maanta ah soo bandhigtay qorshe shan qaybood ka kooban oo loogu talagalay in lagu abaabulo ilaa 800 bilyan oo Euro si loo xoojiyo difaaca Yurub—iyo in si degdeg ah gargaar militari loogu fidiyo Ukraine, kadib markii Mareykanka hakiyay kaalmadii uu siin jiray Kyiv.
“Waqti cusub ayaa ina sugaya,” ayay ku sheegtay warqad ay u dirtay hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub, labo maalmood ka hor shir-madaxeed la filayo in lagu adkeeyo dadaallada wadajirka ah ee lagu taageerayo Ukraine iyo sugidda amniga Yurub mustaqbalka fog.
“Yurub waxa ay wajahaysaa khatar muuqata oo degdeg ah, mid aan la arag xilligii dadkeenna qaangaarka ah,” ayay qortay, iyada oo soo bandhigtay tallaabooyin lagu maalgelinayo kor u qaadista awoodda difaaca Yurub.
“ReArm Europe” ama “Dib-u-hubey Yurub” waxa ay awood u yeelan doontaa inay isku geyso ilaa 800 bilyan oo Euro si loo dhiso Yurub ammaan ah oo adkaysi leh,” ayay ka tiri shir jaraa’id oo ay ku qabatay Brussels, halkaas oo ay faahfaahin ka bixisay qorshaha ay soo jeedisay.
Qaybaha Qorshaha
1- Kor u qaadista kharashaadka difaaca
Qorshaha qeybtiisa koowaad waxa uu soo jeedinayaa in Midowga Yurub uu si ku-meel-gaar ah u hakiyo xeerarka miisaaniyadda ee adag, si dowladaha xubnaha ka ah ay u kordhiyaan kharashaadka difaacooda.
“Tani waxay u oggolaanaysaa dowladaha xubnaha ka ah inay si weyn u kordhiyaan miisaaniyaddooda difaaca iyaga oo aan la marsiin nidaamka ciqaabta miisaaniyadeed ee xad-dhaafka ah,” ayay tiri von der Leyen, iyada oo tixraacaysa xeerarka khasbaya dowladaha in ay xakameeyaan miisaaniyaddooda haddii ay jebiyaan heerka la oggolyahay ee kharashaadka.
2- Maalgelin difaac oo wadajir ah
Soo jeedinta labaad waa in la hirgeliyo qaab cusub oo maalgelin ah, kaas oo siin doona 150 bilyan oo Euro oo deymo ah dowladaha xubnaha ka ah si ay u maalgelinayaan dhismaha awoodooda difaac.
“Tani waxay asal ahaan ku saabsan tahay sidii si wanaagsan loo kharash-garin lahaa—oo si wadajir ah loo maalgelin lahaa,” ayay tiri von der Leyen.
“Waxaan ka hadlaynaa mashaariic difaac oo guud ahaan Yurub ka shaqaynaya—tusaale ahaan: nidaamyada difaaca cirka iyo gantaallada, madaafiicda, gantaallada, rasaasta, diyaaradaha drones iyo nidaamyada ka hortagga drones-ka.”
“Qalabkan waxa ay dowladaha xubnaha ka ah ku xoojinayaan taageerada ay siiyaan Ukraine, taasoo macnaheedu yahay in gargaar militari oo degdeg ah la gaarsiin doono Kyiv,” ayay sii raacisay.
3- Dib-u-habeynta miisaaniyadda Midowga Yurub
Qaybta saddexaad ee qorshahan waxa ay diiradda saari doontaa in miisaaniyadda hadda jirta ee Midowga Yurub loo adeegsado maalgelinta difaaca.
Tani waxa ay dowladaha xubnaha ka ah u oggolaanaysaa in ay u adeegsan karaan sanduuqyada loogu talagalay horumarinta gobollada saboolka ah ee Yurub—loona weeciyo dhinaca difaaca.
4- Maalgelinta warshadaha difaaca
Arrinta afaraad waxay quseysaa Bankiga Maalgelinta Yurub, oo dalalka Midowga Yurub doonayaan in laga saaro xayiraadaha deynta ee saaran shirkadaha difaaca.
Taasi waxay u sahli doontaa warshadaha difaaca inay helaan maalgelin ballaaran si loo dardargeliyo wax-soo-saarkooda.
5- Dhismaha isbahaysi kayd iyo maalgelin
Qorshaha qeybtiisa ugu dambeysa waxa uu xooga saaraya in la dhiso isbahaysi kayd iyo maalgelin ah oo u sahli kara shirkadaha difaaca in ay si fudud u helaan maalgelin si ay u horumariyaan wax-soo-saarkooda.
Saameynta Mareykanka ee xaaladda Ukraine
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si toos ah ula xiriiray Ruushka si uu xal uga gaaro dagaalka Ukraine, taasoo mugdi gelisay mustaqbalka Kyiv isla markaana Yurub gelisay xaalad walaac leh.
Shir-madaxeedka Brussels ee dhacaya Khamiista—kaasoo daba socda wada-hadallo degdeg ah oo dhamaadkii usbuucii hore lagu yeeshay Britain iyo NATO—ayaa imanaya xilli Yurub ay wajahayso suurtagalnimada in Mareykanka uu dib uga gurto taageeradiisa muddada fog ee Ukraine iyo guud ahaan xulafadiisa Yurub.
“Waxaan ku jirnaa waqti taariikhi ah oo aad khatar u ah,” ayay tiri von der Leyen. “Waa xilligii Yurub ay doorkeeda qaadan lahayd, waxaana diyaar u nahay in aan qaadno tallaabooyinka lagama maarmaanka ah.”
Xigasho: VOA