Ciidanka Macawisleyda degmada Ceel baraf oo garab ka helaya Ciidanka Xoogga dalka ayaa si buuxda ula wareegay Ceel-Baraf oo maalmihii ugu dambeeyay uu ka socday dagaallo sababay khasaaro kala duwan.
Ciidanka galay Ceel-Baraf ayaa waxaa hogaaminaya Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga dalka Janaraal Khaalid Cabdullaahi Cumar iyo Saraakiil kale oo kasoo jeeda degmadaas
Waxaa ciidankaans maalmihii ugu dambeeyay lagu abaabulayay degaan u dhaxeeyo Jalalaqsi iyo Ceel-Baraf, halkaasoo ay dageen markii ay gacantooda ka baxday CeelBaraf.
Guul weyn ayey u tahay Xoogga dalka iyo dadka degaanka qabsashada magaaladaas, taasoo sahli karta in kooxda laga saaro goobaha kale oo ay maalmahaan weerar ku soo qaadeen.
Dhinaca kale dagaalo iyo duqeymo culus ayaa la soo sheegaya iney weli ka socdaan degaanka Ceel Cali Axmed oo ku taalla duleedka degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh/Dhexe halkaasoo ay weli ku dagaalamayaan ciidanka dowlada kuwa degaanka & Al shabaab khasaare xoogan ayaana kala gaaray labada dhinac.