Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka labaad ee aan caadiga aheyn ee Guddiga Joogtada oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa.
Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa xubnaha Guddiga Joogtada warbixin ka siiyay shaqooyinka Golaha laga soo bilaabo kalfadhigii koowaad iyo waxyaabihii u qabsoomay.
Intaasi ka dib xubnaha Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka ayaa ka dooday ajendeynta fadhiyada todobaadka labaad ee kalfadhiga lixaad, iyo sidoo kale shuruucda horutebinta u leh, waxaana sidoo kale xubnaha Guddiga Joogtada ay ka doodeen Xildhibaanadda fasax la’aanta ka maqan fadhiyada Golaha.