Allbanaadir.com
NEWS

Shan nin oo ku eedeysan kiis dil ah oo xukun maanta lagu riday

Maxkamada ciidamada qalabka sida iyo dambiyada culus ee maamulka Jubbaland, ayaa maanta xukun kasoo saartay kiiska dhowr nin oo lagu eedeeyay in dil bareer ah geesteen.

Kiiskan maxkamadda maanta soo gabagabeysay ayaa waxaa ku eedeysan Habane Huure Cabdi Maxamed Deerow Cabdi, Iimaan Xasan Maxamed, Maxamed Aadan Qooshow, iyo Maxamed Aadan Cabdullaahi oo dhamaantood ku eedeysan kiis dil ah oo ay u geesteen Marxuum Shomow Muumin Iimaan.

Fadhiga maxkamada ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiyaha maxkamada labadiisa kuxigeen, xeer ilaaliyaasha ciidamada qalabka sida ee Jubbaland, ehelada eedeysanayaasha iyo ehelada Marxuumka.

Gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee Jubbaland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim ayaa sheegay in Habane Huure Cabdi Maxamed Deerow Cabdi, Maxamed aadan Qooshow, iyo Maxamed aadan Cabdullaahi ay yihiin dambiilayaal galay dambiga lagu soo eedeeyay waxayna maxkamada ku xukuntay min 2-Sano oo xabsi ciidan ah iyo magta marxuum Shomow Muumin Iimaan.

Maxkamada ciidamada Jubbaland ayaa sidoo kale xoriyadiisa ay dib ugu celisay Iimaan Xasan Maxamed, maadaama ay maxkamada wax dambi ah ku waysay.

Gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee maamulka Jubbaland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxmuud Ibraahim, ayaa sheegay cidii aan ku qanacsaneen xukunka maxkamada in ay u furan tahay racfaan ku eg inta sharciga ogolyahay.

Related posts

Nin xirnaa lebiska dumarka iyo Indho-shareer oo Muqdisho lagu qabtay

Caydiid Ali

(Akhriso) Go’aano culus oo laga soo saaray dagaalkii Luuq

Caydiid Ali

RW Khayre oo la kulmay qaar ka mid ah Safiirada dalalka caalamka u fadhiya Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---