Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo war kasoo saartay xubno Daacish ah oo isa soo dhiibay baaq cusubna dirtay

War-saxaafadeed kasoo howlgalka ciribtirka argagaxisada Daacish , ayaa lagu soo dhoweyay dadkii lasoo xiriiray ee ka faa’ideystay 7-da cisho ee fursada cafis ee Madaxweynuhu u fidiyey cidkasta oo la shaqeynaysay Argagixisada Daacish ee kasoo laabanaysa fekerkaasi.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay xubnaha dadkaasi ku metela maamulka Puntland iyo waxgaradkooda oo u fududeeyay fursadan.

Hawlgalka ciribtirka warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in dadkii  kale ee aan xiriir soo sameyn fursadu weli u furantahay wakhtiga ka harsan, Asbuucii lasiiyey ee loo qabtay.

Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland waa mid soconaya illaa guud ahaan Puntland oo dhan laga ciribtiro Argagixisada, waxaan u mahadcelinaynaa Shacabkeenna si walbo u garab taagan Ciidanka, gaar ahaan dadka ku nool dhulka baadiyaha ah ee soo gudbinaya firxadka Argagixisada iyo cidkasta oo ay ka shakiyaan.

Related posts

Dowlada Maraykanka oo qiratay askar & xubno kale oo looga dilay weerarkii Camp Simba

Caydiid Ali

Dowlad Carbeed oo maalgalineysa dhismaha dekadda Hobyo (Sawirro)

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo ka hadlay sababta sanadkan loo baajiyey xuska Maalinta 12ka Apriil

Caydiid Ali
Taboola Ads ---