Allbanaadir.com
NEWS

Kursigii Xildhibaannimo uu banneeyay Saadaq Joon oo maanta la doortay

Magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug, waxaa ka dhacday doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP GSH248, uu banneeyay taliye kuxigeenka ciidanka nabadsugidad Soomaaliya Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon).

Kursigan xildhibaannimo sidii horey loo qorsheeyay waxaa ku guuleestay Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) oo horey loo siiyay kursigan looguna xiray, waxaana la tartamay musharax loo keenay kaliya in uu u noqdo malxiis doorashada.

Xildhibaankan cusub ee maanta la doortay ayaa dhawaan laga soo daayay xabsi kuyaalla dalka Biljimka uu ku xirnaa muddo ka badan 11-sano, waxa uuna u xirnaa ninkan in uu kamid ahaa hoggaamiyaasha kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Maalmaha soo socda ayaa sidoo kale la filayaa in iyana la qabto doorashada kuraas kale oo ka bannaan golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka  waxaana kuraasta la dooranayo kamid ah kursigii uu banneeyay Mustaf Dhuxulow oo loo magacaabay agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xamse oo abaal-mariyey dhalinyaro Geesinimo muujiyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Biixi oo Go’aan adag ka qaatay Ciidankiisa jooga magaalada Laascaanood

Cabdi Cade

Musharaxiin badan oo isku diiwaangeliyay ka qeyb galka Doorashada Madaxweynaha (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---