Dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa ugu deeqday maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland gaadiid badan oo nuuca dagaalka ah, gaar ahaan gaadiidka loo yaqaan Cabdi Bilaha ee lagu xiro qoryaha, sidoo kale ay adeegsadaan ciidanka.
Dekadda magaalada Boosaaso , ayaana laga soo dejiyay gaadiidka nuuca dagaalka oo gaaraya ilaa 80 baabuur, waxaana gaadiidkan la wareegay maamulka Puntland oo durba diyaarinaya sidii loo qalabeyn lahaa una adeegsan lahaayeen ciidanka difaaca maamulkaasi.
Gaadiidkan ayaa dowladda Imaaraadka ugu tala gashay in ay ku taageerto ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Calamiskaad, waxaana la filayaa in gaadiidkan marka la qalabeeyo qeyb ka noqdaan howlgalka lagu soo afjarayo kooxda Daacish.
Imaaraadka Carabta ayaa si weyn uga taageeraya maamulka Puntland dagaalka ay kula jiraan kooxda Daacish, diyaaradaha dagaalka dowladda Imaaraadka ayaana marar badan duqeymo dhinaca cirka ah ka fuliyay buuraha ay ku dhuumaaleysanayaan kooxda Daacish.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com