Allbanaadir.com
NEWS

Israa’iil oo diyaarisay qorshe cusub oo ka dhan ah shacabka Qasa si Trump …

Israa’iil ayaa qorseeneysa in duullaan cusub ku qaado magaalada Qasa ee dhulka Falastiin, waxa ay sidoo kale Israa’iil dooneysaa in gabi ahaan magaaladaasi ka jarto korontada iyo biyaha, si shacabka loogu qasbo in gabi ahaan magaalada isaga guuraan.

Wasiirka Maaliyadda Israa’iil, Bezalel Smotrich, oo u safray dalka Mareykanka ayaa sheegay in duullaan cusub ku qaadayaan magaalada Qasa, waxa uu xusay Wasiirka in duullaanka qeyb ka yahay in shacabka ku qasbaan in magaalada ka barakacaan ayna ka jarayaan korontada iyo biyaha.

Bezalel Smotrich, ayaa caddeeyay in ay ka shaqeenayaan hirgelinta qorshaha Madaxweyne Trump ee ku aadan in magaalada Qasa shacabka guud ahaan laga barakiciyo, waxa uuna intaa ku daray in qorshahan la diyaariyay lalana wadaagay Ra’isul Wasaaraha iyo madaxda kale ee Israa’iil.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donlad Trump, ayaa horey ugu baaqay dalalka Jordan iyo Masar in ay qaabilaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Qasa, si magaaladaasi looga dhigo mid cidlo ah oo shacabka ka caagan , uuna ula wareego Mareykanka magaaladaasi.

Qorshahan ay Israa’iil iyo Mareykanka damacsan yihiin, ayaa kusoo aadaya xilli maanta uu Qaahira shir uga furmayo madaxda Carabta oo ka hadlaya qorshaha dib u dhiska Qasa iyo inay soo bandhigaan qorshe ay uga hortagayaan go’aanka uu Trump doonayo in lagu barakiciyo dadka Qasa oo Mareykanka uu la wareego.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Deni: “Shirkan wuxuu ku soo aaday xili muhiim ah oo aad loogu baahnaa”

Caydiid Ali

(Sawirro) Qodobo xasaasi oo diirada lagu saaray Shirka Golaha wasiirada Hirshabelle

Caydiid Ali

Dowlada Turkiga oo war ka soo saartay qarax saaka lagu weeraray saldhigooda Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---